Ammaanka dalka oo si wayn loo adkeynaya

0
330

Waxaa aad loo adkeeynaya ammaanka dalka inta lagu guda jira fasaxa ciidda ee Christmas-ka iyo sanadka cusub.
Waxaa sidatan maanta sheegay taliyaha guud ee ciidamada booliska Kenya Mr. Hillary Mutyambai.
Tallabaadaan ayuu sheegay in looga gol leeyahay si loo xaqiijiyo nabadda inta lagu guda jiro maalmaha ciidda gaalada.
Mr. Mutyambai.ayaa sheegay in 3000 oo askari oo ka tirsan ciidamada asluubta ay garab siinayaan saraakiisha booliska ee dalka oo dhan xilli uu shir jaraa’id maanta ku qabtay magaala madaxda wadanka ee Nairobi.
Waxaa uu intaasi ku daray in dib loogu yeeray ciidamadii fasaxa ku maqnaa.
Ciidamada aan wali shaqadooda dib ugu soo laaban ayuu ku wargeliyay in si degdeg ah ay howlahooda dib ugu soo laabtaan.
Abaanduulaha booliska dalka ayaa xusay in ciidamada ammaanka diiradda ay saari doonaan sidii loo sii xoojin lahaa ka hortagga faafitaanka faraca cusub cudurka Covid19 ee Omicron.
Kenyaanka ayuu ku boorriyay inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan maalmaha fasaxa ah ee ciidda masiixiyiinta.
Sido kale waxaa uu ugu baaqay kuwa u dabbaal degaya ciidda kirismaaska inay ku sugnaadaan guryahooda oo aysan u safrin deegaano fog fog si looga baaqsado faafitaanka COVID 19 iyo shillalka badan ee dalka ka dhaca xilliyadan oo kale.
Kenyaanka ayuu ka codsaday inay ku soo wargeliyaan laamaaha ammaanka dhaqdhaqaaq walba oo ay ka shakiyaan.