Saameynta amni darrada oo laga dareemayo Marsabit

0
636

Wararka naga soo gaaraya magaalada Marsabit ayaa sheegaya inay xiran yihiin goobaha ganacsiga iyadoo isku socod badan uunan jirin.
Waxaa halkaasi lagu arkaya ciidamo badan oo ah kuwa ammaanka oo la howlgeliyay ka dib markii ay dowlad deegaankaasi ku kordheen falalka dhaca xoolaha.
Maalin ka hor ayay ahayd markii labo weerar oo ay gaysatay koox burcad ah lagu dilay ilaa 13 qof.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in saddex qof oo kale ay dhaawacyo soo gaareen.
Taliyaha ciidamada booliska ee Marsabit Robinson Mboloi ayaa dhacdooyinkan xaqiijiyay.
Waxaa uu sheegay in weerarka koowaad abaare 5-tii aroornimo ee maalinkii Sabtida lagu bartilmaameedsaday qoys deggan aagga Jaldesa.
Burcadda ayaa halkaasi kala baxsaday 1,000 neef oo lo’ ah iyo 300 oo ari ah.
Mboloi ayaa intaasi ku daray in ciidamada booliska ay falcelin degdeg ah sameeyeen oo ayna ku raad joogaan burcadda oo dhaca ka dib goobta iskaga cararay.
Taliyaha ayaa hoosta ka xarriiqay in dhammaan xoolihii la dhacay dib loo soo helay.
Weerarka labaad ayay koox burcad ah ku qaadday qoys deggan xaafadda Kubi Qallo halkaasi oo laga dhacay 800 oo lo’a ah iyo 1,500 oo ari ah.
Mr. Robinson Mboloi ayaa xusay in laamaha ammaanka ay billaabeen howlgal ballaaran oo lagu raadinaya shakhsiyaadka ku lugta leh dhaca xoolaha iyo falalka kale ee amni darro.