DHAGEYSO:Jowhar oo laga fuliyay howlgal ka dhan ah maandooriyaha

0
351

Ciidamada booliska dowlad goboleedka Hirshabeelle oo ay wehlinayeen, ciidanka NISA , kuwa Guutada 3-aad qeybta 27-aad iyo kuwa ilaalada madaxtooyada ayaa howlgallo waxaa ay ka sameeyeen xaafadaha magaalada Jowhar ee caasimadda Maamulka Hir-Shabeelle.
Howlgalka ayaa ujeedkiisu ahaa mid looga hortagayay dadka isticmaalaya iyo kuwa ka ganacsanaya waxyaabaha maanka dooriya.
Howlgalka ayaa yimid ka dib amar ka soo baxay madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.
Taliyaha Booliska degmada Jowhar Gaashaanle Dhexe Bashiir Xasan Xalafow ayaa sheegay in howlgalka oo ahaa mid guri guri ah lagu soo qabtay maandooriyaha xashiishka iyo khamriga oo lagu iibinayay xaafadaha Jowhar iyo dad ka ganacsanayay.
Waxaa uu taliyuhu si cad u sheegay in dadka lagu soo qabtay maandooriyaha ay maxkamad la tiigsan doonaan.

Dhinaca kale wasiirka Amniga Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa dhankiisa uga mahad celiyay laamaha amniga howlgalka ay sameeyeen.
Waxaa uu saraakiisha ku boorriyay inay howlgalka laba jibaaraan, isaga oo sidoo kale shacabka ugu baaqay inay ciidamada kala shaqeeyaan sidii loo soo qaban lahaa dadka ka ganacsanaya mukhaadaraadka.

Dhanka kale madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ee golaha wasiirrada maamulkiisa.
Ka dib markii uu shirka soo idlaaday ayaa waxaa qodobbadii looga hadlay warbaahinta u faahfaahiyay afhayeenka xukuumadda Hirshabeelle Daauud Xaaji Cirro.