DHAGEYSO:In ka badan 12 qof oo lagu dilay Marsabit

0
342

Ugu yaraan 12 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerarro labo ah oo ay shalay koox burcad ah ka gaysatay dowlad deegaanka Marsabit.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in saddex qof oo kale ay dhaawacyo soo gaareen.
Taliyaha ciidamada booliska ee Marsabit Robinson Mboloi ayaa dhacdooyinkan xaqiijiyay.
Waxaa uu sheegay in weerarka koowaad abaare 5-tii aroornimo ee shalay lagu bartilmaameedsaday qoys deggan aagga Jaldesa.
Burcadda ayaa halkaasi kala baxsaday 1,000 neef oo lo’ ah iyo 300 oo ari ah.
Mboloi ayaa intaasi ku daray in ciidamada booliska ay falcelin degdeg ah sameeyeen oo ayna u raad joogaan burcadda oo dhaca ka dib goobta iskaga cararay.
Taliyaha ayaa hoosta ka xarriiqay in dhammaan xoolihii la dhacay dib loo soo helay.
Weerarka labaad ayay koox burcad ah ku qaadday qoys deggan xaafadda Kubi Qallo halkaasi oo laga dhacay 800 oo lo’a ah iyo 1,500 oo ari ah.
Mr. Robinson Mboloi ayaa xusay in laamaha ammaanka ay billaabeen howlgal ballaaran oo lagu raadinaya shakhsiyaadka ku lugta leh dhaca xoolaha iyo falalka kale ee amni darro.
Barasaabka ismaamulka Marsabit Maxamuud Maxamad Cali ayaa dhankiisa walaac ka muujiyay amni darrada in muddo ah ka jirta dowlad deegaankaasi oo uu sheegay inay ku sababtay hurdo la’aan