Madaxweynaha Kenya oo amray in la dhameystiro mashariicda maamulkiisa

0
358

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa xoghayeyaasha joogtada ee wasaaradaha dowladda dhexe ku amray inay xaqiijiyaan dhameystirka mashariicda horumarineed ee gacanta lagu hayo.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa carrabka ku adkeeyay inay khasab tahay in mashruuc kasta si buuxda loo dhaqangeliyo.
Amarkan ayuu Mr. Kenyatta soo saaray xilli uu kulan la qaatay guddiga qaran ee farsamada iyo dhaqangelinta barnaamijyada horumarineed ee (NDITC) oo ay xubno ka yihiin dhammaan xoghayeyaasha wasaaradaha.
Madaxweynaha oo qiimeyn ku sameynayay horumarka ilaa iyo hadda lagu tallaabsaday ayaa mas’uuliyiintan uga mahadceliyay dadaallada ay geliyaan hirgelinta qorshayaasha qaran.