DHAGEYSO:Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo sheegay in golaha wadatashiga ay kulan yeelanayaan

0
257

Ra,iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay la socoto daahfur la’aanta doorashada, islamarkaana dhawaan ay qaban doonaan Shirweyne looga hadlaayo cabashooyinka iyo boobka la sheegay in doorashada lagu wado.
Waxaa uu sheegay in xukuumaddiisa ay qorsheysay maalmaha soo socdo Shir looga hadlaayo muranka doorashada, islamarkaana ay yeelan doonaan golaha wadatashiga qaran oo ka goob xafiiska Ra’isulwasaaraha,shanta hogaamiye ee maamul goboleedyada iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir.
Wuxuu xusay Ra’isulwasaaruhu in xafiiskiisa ay dhinacyo kala duwan cadaadis ku hayaan oo arimaha doorashooyinka iyo sidii loo sixi lahaa ayna doonayaan in doorashada loo jiheeyo dhanka daahfuraanta.
Ra’isulwasaare Rooble ayaa tilmaamay in xukuumaddiisa ay ka go’aan tahay in la xaliyo cabashada ka timid doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka oo kuraas badan oo ka mid ah la sheegay in la boobay.

Audio Player