Boolis Soomaaliland iyo rag hubaysay oo Laascaanood isku rasaaseeyay

0
228

Wararka aan ka heleyno Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay rag hubeysan ay weerar ku qaadeen Ciidamo ka tirsan Booliska Somaliland oo ku sugnaa gudaha Magaaladaas.
Weerarka kadib ayaa waxaa iska horimaad kooban uu dhexmaray Booliska Soomaaliland iyo dableyda hubeysan ee weerarka soo qaaday, iyadoo laga malqayey dhawaqa rasaast labada dhinac ay isdhaafsanayeen.
Qaar kamid ah dadka ku nool Laascaanood ayaa dheegay inay mar qura saqdii dhexe ee xalay kusoo tooseen rasaas ka dhaceysay agagaarka Saldhiga iyo xaafaddo kale oo ka tirsan Magaalada, wallow markii dambe ay istgaatay oo xaaladdu caadi ah kusoo laabatay.
Laamaha amniga Soomaaliland ee ku nool Laascaanood ayaan weli ka hadlin weerarkii ragga hubeysan ku qaadeen Magaaladaas, lamana oga inuu khasaaro ka dhashay, waxaana warar la helayo ay sheegayaan in Ciidanka Booliska ay wadaan howlgalo lagu xaqiijinayo amniga.
Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa horey uga dhacay weeraro iyo dilal qorsheysan, iyadoona Soomaaliland ku eedeysay falalkii dhacay dad kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya, isalmarkaana ka soo masaafuriyey deegaanadeeda.