Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa lagu wadaa inuu maanta socdaal ku tago ismaamulka Kakamega.
Waxaa uu halkaasi gaynayaa ololihiisa siyaasadeed ee uu ku doonayo in sanadka 2022-ka loo doorto hoggaanka ugu sarreeya ee Kenya.
Ruto ayay wararku sheegayaan inuu isku soo baxyo ku qaban doono degmada Likuyani iyo deegaan baarlamaneedka Lugari ee dowlad deegaanka Kakamega.
Berri ayuu Ruto u sii gudbi doonaa ismaamulka Vihiga isagoo sidoo kale dadweynaha kula hadli doono deegaan baarlamaneedka Emuhaya.