Doorashada 5 ka mid ah kuraasta banaadiriga oo la shaaciyay

0
414

Guddiga Maamulaya doorashada Beelaha Banaadiriga ee ayaa shaaciyay qabashada doorashada 5 kamid ah kuraasta ay ku leeyihiin Golaha Shacabka ee baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya, kuwaasoo doorashadoodu ka dhaceyso Magaalada Muqdisho ee caasimada ah.
5-ta Kursi ee Beelaha Banaadiriga oo dhawaana la dooran doono ayaa waxaa ay kala yihiin kuraasta uu tirsigoodu yahay.
1: HOP105 oo uu ku fadhiyo Jeylaani Nuur Iikar
2: HOP 265 oo Afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay lufti Sheekh Maxamed Cumar
3: HOP 266 oo ay ku fadhido Biibi Khaliif Maxamed barlamaankii hore
4: HOP 034 oo uu hadda ku fadhiyo Khaalid Macow Cabdulqaadir
5:HOP 084 oo ay ku fadhido Fahma Axmed Nuur
Sidoo kale Waxaa Maanta Guddiga Maamulaya doorashada Gobolada Waqooyi ee Soomaaliland ay bilaabeen diiwaangelinta musharrixiinta iyo Ergada dooraneysa mid kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.
101 Ergo ah ayaa loo diiwaangeliyay kursiga hop262 oo ay hadda ku fadhido Fowsiyo Xaaji Aadan oo ah sidoo kale musharrax Madaxweynaha Soomaaliya u taagan.
Horay uma jirin kuraastii Golaha Shacabka ee la doortay Ergo la Diiwaangeliyay, balse cabasho ka timid mucaaradka & musharrixiinta kuraasta qaarkood ay keentay in la diiwaangeliyo Ergada wax dooraneysa, waxaayna kamid tahay hanaanka lagu saxayo qaladaadka doorashada.
Guddiga Maamulaya doorashada Gobolada Waqooyi ee Soomaaliland aya la filayaa inay sii wadaan diiwaangelinta musharrixiinta iyo Ergada wax dooraneysa, iyagoo soo geba-gabeyn doonaan 16-ka Bishaan.
Xalay ayay aheyd markii guddiga doorashooyinka maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ay shaaciyeen doorashada 14 kursi oo ay dhawaan qabanayaan doorashadooda.