Xarunta ganacsiga ee Yaya oo aadan ka adeegan karin haddii aan lagaa tallaalin COVID19

0
292

Maamulaha guud ee suuqa ganacsiga ee Yaya ee ismaamulka Nairobi Edna Fernandes ayaa sheegtay in laga billaabo 21-ka bishan Diseembar aynan adeegyo u fidin doonin macaamiisha aan qaadan dawooyinka tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID19.
Cid kasta oo goobtaasi u tagaysa inay ka soo dukaameysato ayaa laga doonaya inay soo bandhigto caddeyn ah in laga tallaalay caabuqa corona.
Mrs. Edna ayaa hoosta ka xarriiqday in amarkan uu sidoo kale qabanaya ganacsatada halkaasi dukaamada ku leh , shaqaalaha, macaamiisha, qandaraasleyda iyo waaxyaha u qaybiyo badeecooyinka kala duwan.
Fernandes ayaa intaasi ku dartay in qofka laga dalban doono inuu iridda laga galo Yaya Shopping Center ku soo bandhigo caddeyn la xiriirta qaadashada tallaalka COVID19 haddii kale dib loo celinaya.
Maamulka xaruntan ayaa ganacsatada dukaamada leh ka codsaday inay shirkadda garab ku siiyaan sidii amarkan loo dhaqangelin lahaa gaar ahaan xilliga dabbaal degga Christmas.
Digniintan ayay soo saartay maalmo un ka dib markii shirkadda maqaayadaha ee Sarova ay qaadatay go’aan kani la mid ah.
Tallaabadan ayaa ah mid loogu hoggaansamayo go’aankii ka soo baxay wasaaradda caafimaadka ee dalka.
21-kii bishii hore ayay ahayd markii uu wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe sheegay in laga billaabo 21-ka bishan Diseembar in helitaanka adeegyada muhiimka ah laga xayirayo qofkii aan qaadan tallaalka ka dhanka ah corona.

Mr. Mutahi Kagwe ayaa shaaciyay in cidii aan qaadan dawooyinka tallaalka laga hor istaagi doono inay raacDO gaadiidka dadweynaha ama ay wax ka cunto maqaayadaha.
Wasiir Kagwe ayaa sidoo kale sheegay in dadka aan iska tallaalin corona laga xayiri doono adeegyada maamulka canshuuraha wadanka ee (KRA), maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka waddooyinka ee (NTSA),waxbarashada, isbitaallada , socdaalka, dekadda ,goobaha madadaalada ,booqashada maxaabiista iyo waaxyaha la midka ah.
Marka la gaaro 21-ka Diseembar, qof kasta oo doonaya adeeg dowladeed ayaa laga dalban doonaa inuu soo bandhigo caddeyn muujinaysa inuu qaatay tallaalka.
Wasiirka ayaa xusay in amarkan lagu saleeyay xeerka caafimaadka dadweynaha ee Public Health Act kaasoo wasaaradda awood u siinaya inay qaado tallaabooyin adag gaar ahaan marka uu jiro cudur faafaya.
Mr. Kagwe waxaa uu tilmaamay in ujeeddada laga leeyahay arrintan ay tahay in la badbaadiyo shaqaalaha dowladda iyo adeeg bixiyeyaasha isagoo sida uu hadalka u dhigay howlwadeeno qaatay tallaalka aynan noloshoodu halis u gelinayn inay adeegaan shakhsiyaad iska diiday tallaalka.
Wasiirka ayaa sheegay in sharciga dalka lagu maamulo uu yahay mid cad oo aynan maxkamaduhu qof tallaalka qaatay ku qasbi karin inuu la macaamilo qof aan cudurka iska tallaalin.
Wasaaradda ayaa sheegtay in sababta sare loogu qaadayo tallaalka ay tahay in la isku furo dhaqaalaha wadanka oo laga gudbo dadka la dhigaya isbitaallada ama lagu daryeelaya guriyaha.
Wasiirka wasaaradda dalxiiska iyo duurjoogta Najiib Balala ayaa dhankiisa bishii hore sheegay in dadka aan cudurka COVID19 laga tallaalin loo oggolaan doonin seeraha qaran iyo meelaha sida gaarka ah loo ilaaliyo.
Balala ayaa hoosta ka xarriiqay in maadaama bisha 12-aad ay jiraan dabbaal degyo, la doonayo in laga hor tago isqaadsiinta cudurka.
Cid kasta oo ka shaqeysa gaadiidka noocyadiisa kala duwan sida baabuurta , mootooyinka iyo diyaaradaha ayaa laga doonaya inay qaadato tallaalka oo ayna mar kasta sidato shahaadada muujinaysa in qofkaasi cudurka laga tallaalay.
Goobaha ganacsiga kuwa yaryar ama dhexdhexaadka ah ee maalintii u adeega 50 qof iyo wax ka badan waxaa looga baahan yahay inay soo bandhigaan astaan dadka ku wargelinaysa in halkaasi uunan geli karin qof aan corona iska tallaalin.
Isku imaatinnada aan lagu qaban bannaanada waxaa ka qayb geli karo saddex meelood labo meel tirada dadka ee ay goobtaasi qaadi karto iyadoo cid kasta oo ka qayb galaysa laga dalbanaya caddeyn ah inay qaadatay tallaalka.
Dadka howlaha booqashada ama dalxiiska uga imaanaya wadamada qaaradda Yurub waa qasab in si buuxda looga tallaalay cudurka oo ayna caddeyn soo bandhigaan ka hor inta aan loo oggolaan inay wadanka soo galaan.
Kenya ayaa labadii bilood ee la soo dhaafay laga diiwaangelinayay xaaladaha maalinlaha ee COVID19 oo hooseeya.
Hasa ahaate wasiirka caafimaadka ee dalka Mutahi Kagwe ayaa sheegay in kiisaska yaraaday aynan ka dhignayn in la is dhigto oo la dabbaal dego
Wasiirka ayaa hasa ahaate cadeeyay in qaadashada tallaalka aynan qasab ahayn balse cidii aan arrintan tixgelin aynan heli doonin adeegyada dowladda.
Kenya ayaa ku dadaalaysa in ugu dambeyn 25-ka bishan Diseembar inay cudurka COVID19 ka tallaasho ugu yaraan 10 milyan oo qof.
Qorshaha dowladda ayaa ah in dhammaadka sanadka 2022-ka, cudurka COVID19 laga tallaalo ugu yaraan 30 milyan oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here