Ra’iisul wasaaraha dalka Suudan Cabdalla Xamdok ayaa beddelay dhammaan guddoomiyaasha goballada ee wadankaasi oo ay soo magacaabeen milatariga ka dib markii afgambi lagu sameeyay xukumaddi xilligaasi ee uu hoggaanka u hayay Mr. Xamdok.
Go’aankan ayaa qayb ka ah dadaallada uu wado ra’iisul wasaraha Suudaan oo dhawaan heshiis ay wada gareen milateriga dib ugu soo laabatay xafiiska.
Mr. Xamdok ayaa sidoo kale beddelay inta badan wasiir ku xigeennadi ay soo magacabeen milateriga waxaana qaar badan oo kamid ay ahayeen kuwa sida aadka ugu dhawaa madaxweynihii hore ee xilka laga tuuray Cumar Al-Bashiir.
Ra’iisul wasaare Xamdok ayaa wali magacaabin golo wasiirro oo cusub, qodobkaasi oo ku jiray heshiiski uu dib ugu soo laabatay xafiiska ee ay wada gareen milateriga Suudaan 21-kii bishii hore, ka dib mudaaharaadyo waawayn oo ka dhacay meelo badan oo dalkaasi oo ay ugu horreysa caasimadda Khartuum.