Kenyaanka aan qaadan tallaalka COVID19 oo laga xayiraya adeegyada muhiimka ah laga bilaabo 21-ka bishan

0
591

Waxaa 9 cisho inaga xigo muddadii ay wasaaradda caafimaadka dalka ay dadweynaha u qabatay inay qaataan tallaalka ka dhanka ah cudurka Covid-19, haddii kale laga xayiri doono adeegyada dowladda.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa ku cel celiyay in mowqifka dowladda uunan waxbo iska beddelin, iyadoo xitaa ay wali hooseysa qaadashada tallaalka fayraska Corona.
Mr. Mutahi Kagwe ayaa bartamihii bishii hore sheegay in laga billaabo 21-ka bishan Diseembar aan adeegyada dowladda la siin doonin qof aan soo bandhigin caddeyn ah inuu qaatay daawooyinka tallaalka.
Waxaa uu xusay inaynan jirin qaab kale oo loogu guulaysan karo dagaalka ka dhanka ah fayraska corona.
Tani ayaa sidoo kale kusoo aadeyso iyadoo maxkamadda sare ee dalka dabayaaqadii bishii hore ay diiday inay hakiso ku tallaaba qaadka go’aanka ay shaacisay wasaaradda caafimaadka ee Kenya.
Wasiir Kagwe ayaa sidoo kale sheegay in dadka aan iska tallaalin corona laga xayiri doono adeegyada maamulka canshuuraha wadanka ee (KRA), maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka waddooyinka ee (NTSA),waxbarashada, isbitaallada , socdaalka, dekadda ,goobaha madadaalada ,booqashada maxaabiista iyo waaxyaha la midka ah.
Wasiirka ayaa xusay in amarkan lagu saleeyay xeerka caafimaadka dadweynaha ee Public Health Act kaasoo wasaaradda awood u siinaya inay qaado tallaabooyin adag gaar ahaan marka uu jiro cudur faafaya.
Mr. Kagwe waxaa uu tilmaamay in ujeeddada laga leeyahay arrintan ay tahay in la badbaadiyo shaqaalaha dowladda iyo adeeg bixiyeyaasha isagoo sida uu hadalka u dhigay howlwadeeno qaatay tallaalka aynan noloshoodu halis u gelinayn inay adeegaan shakhsiyaad iska diiday tallaalka.
Wasiirka ayaa sheegay in sharciga dalka lagu maamulo uu yahay mid cad oo aynan maxkamaduhu qof tallaalka qaatay ku qasbi karin inuu la macaamilo qof aan cudurka iska tallaalin.
Wasaaradda ayaa sheegtay in sababta sare loogu qaadayo tallaalka ay tahay in la isku furo dhaqaalaha wadanka oo laga gudbo dadka la dhigaya isbitaallada ama lagu daryeelaya guriyaha.
Ismaamulka Nairobi ayaa ku hoggaaminaya 30 boqolkiiba dadka qaatay tallaalka ka dhan ah Covid19 halka dowlad deegaannada Wajeer iyo Mandera boqolkiiba ay qaateen 2.7 iyo 2.4%.