DHAGEYSO:Guddoomiyaha gobolka Bari oo xariga ka jaray ceelbiyood muddo ciladaysnaa

0
593

Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Yuusuf ayaa daah-furay Ceel biyoodka deegaanka Ceel-gaal oo ka tirsan Degmada Qandala ee gobolka Bari, oo muddo dhowr bilood ah aan shaqeyn.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in dad ka soo horjeeda hormarka deegaanka ay jareen tuubooyinkii biyaha soo qaadi jiray wuxuuna Guddoomiyaha Gobolka Bari sheegay in Talaabo laga qaadayo dadka dhibaatooyinkaas gaystay.

Qaar ka mid shacab Magaalada Ceel Gaal ayaa sheegay inay mudadii Ceelku Ciladaysnaa oo Tuubooyinka laga Jaray ay dhibaato soo wajahday.