William Ruto oo ka hadlay waxqabadka Jubilee

0
243

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto oo maalmihii ugu dambeeyay socdaallo ku marayay ismaamullada Narok iyo Turkana ayaa sheegay in qorshihii sharci beddelka ee BBI uu hakad geliyay waxqabadkii Jubilee.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in wakhti badan uu ku lumay meel marinta geeddisocodkii ay ugu dambeyn maxkamaduhu laaleen.
Ruto ayaa shacabka Turkana u sheegay in bisha labaad ee sanadka 2022-ka uu la saxiixan doono heshiis ku aaddan waxyaabaha ay doonayaan in loo qabto ee dhanka horumarka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in hadii uu ku guulaysto madaxtinimada wadanka uu dhameystiri doono mashaariicda dhanka wax soo saarka beeraha, guriyeynta , biyaha, caafimaadka, shaqaaleysiinta dhallinyarada iyo kuwo kale.