Maamulka deegaanka Janaale ee hoostaga Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay guddi baaritaan u saareen dhacdo kufsi iyo dil ah oo deegaankaas loogu gaystay Gabar yar oo lagu Magacaabi jiray Sahra Cali Maxamuud, taas oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Guddigaan oo ka kooban 11 Xubnood ayaa laga soo kala xulay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka, NISA, Booliska, Maamulka iyo Ehelka Gabadha la kufsaday ee la dilay, kuwaas oo laga sugayo inay baaritaan dhab ah ku sameeyaan sida uu falkaasi ku dhacay.
Guddoomiyaha deegaanka Janaale Cabdiraxmaan Yuusuf Cabdinuur Al-Cadaala oo soo saaray Guddigaan ayaa sheegay in geerida Gabadha ay kasoo baxayaan warar kala duwan, wuxuuna caddeeyay in Guddigaan baari doonaan sida ay wax u jiraan.
Qaar kamid ah Ehellada Gabadha ayaa waxaa ay sheegeen in Gabadhooda oo markii hore ku nooleyd Magaalada Muqdisho ay deegaanka Janaale gaysay Gabar Gurigooda ka waday, iyaga oo ku eedeeyay in falkaasi ay ka dambeeyeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Hoos ka akhriso magacyada guddiga la magacaabay.