ODM oo ka hadashay falal shalay lagula kacay xildhibannada deegaankaa Maragua

0
459

Xoghayaha guud ee xisbiga ODM Edwin Sifuna ayaa ka ka hadlay falal lagu tilmaamay mid aan wanaagsaneyn oo lagula kacay xildhibaannada laga soo doortay deegaan baarlamaaneedka Maragua ee ismaamulka Muranga ee gobolka bartamaha dalka Mary Wamaua xilli ay dooneysay inay ka qayb gasho shirweynihii higsiga mideynta ee Azimio La Umoja ee hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinag uu shalay kaga dhawaaqay inuu markii 5-aad isu soo sharraxayo xilka madaxtinimo ee dalka, kaas oo lagu qabtay fagaaraha wayn ee Kasarani ee magaalada Nairobi.
Muqaal baraha bulshada ku xiriirto lagu faafiyay ayaa laga dhex arkayay mudanaha golaha xeer ee dejinta ku matasha deegaanka Maragua oo ka cabanayeyso dhibaatayn ay u gaysteen ilaalada goobtaasi, xilli ay dooneysay inay xaruntaasi gudaha u gasho ee Kasarani.
Saacado ka dib dhacdadaasi, bayaan uu soo saaray xoghayaha guud ee xisbiga ODM Edwin Sifuna ayuu wax lagu xumaado ku tilmaamay falka lagula kacay xildhibannada, islamarkaana uu raali gelin ka bixinaya.
Waxaa uu dhanka kale ku dooday in xildhibaanadda oo ka tirsan xisbiga UDA ee la la xiriirinayo ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto, aysan ku wargelin qaban-qaabiyayaashii xafladdaasi inay doonaysay ka qayb galka munaasabaddii shalay dhacday.
Waxaa uu xusay in haddii xildhibannada ay xilli hore soo sheegi lahayd inay qayb ka noqoneyso shirweynihii mideynta bulshada falkaasi lagula kacay laga hortaggi lahaa.
Mudanaha laga soo doortay deegaanka Maragua ayaa xisbiga talada haya ee Jubilee isaga baxday bishii Oktoobar ee sanadkan, iyadoo ku biirtay xisbiga UDA.
Dhanka kale xoghayaha guud ee xisbiga ODM Edwin Sifuna ayaa intaa ku daray in xisbigooda ay ku soo dhaweynayaaan dadka ka soo goostay xisbiyada kale, isla markaana wixii dhacay shalay aan si qaldan loo qaadan.