Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i ayaa sheegay in Isniinta soo socoto ee 13-ka bishan Diseembar ay tahay maalin qaran oo fasax ah.
Tani ayaa loo aaneeyay in xuska maalinta Jamhuri Day oo sanad kasta la qabto 12-ka bishan uu ku soo beegmaya Axadda .
Wasiirka ayaa cuskaday qaybaha labaad iyo afaraad ee xeerka maalmaha fasaxa qaran ee Public Holidays Act.
Fred Matiang’i ayaa shacabka ku boorriyay in maalinkii ay Kenya noqotay jamhuuriyad madax bannaan oo leh maamulka gudaha ay ugu dabbaal degaan midnimo,isdhexgal iyo horumar dhaqaale.
Xuska Jamhuri Day ee sanadkan ayaa lagu qaban doonaa fagaaraha Uhuru Gardens ee ismaamulka Nairobi iyadoo sida laga soo xigtay xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Karanja Kibicho ay dabbaal degga ka qayb gelayaan keliya 11,000 qof oo la marti qaaday.
Ismaamullada dalka ayaan laga xusi doonin maalinkan si looga hor tago faafitaanka cudurka COVID-19.