Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da iyo maamulka canshuuraha ee KRA ayaa ka wada shaqeynaya sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa agaasimayaasha shirkadda Purma Holdings.
Tani ayaa timid ka dib markii mas’uuliyiintan ay xalay ka baxsadeen maqaaxida Weston ee magaalada Nairobi halkaasi oo saraakiisha dambi baarista ay ku sugayeen.
Dambi baare sare ayaa sheegay inay xoojiyeen howlgalka lagu raadinaya labada agaasime ee cararay.
Waxaa uu qorshuhu ahaa in xabsiga loo taxaabo agaasimayaasha ka dib markii loo jaray warqaddii lagu soo xiri lahaa.
Labada qof ayaa loo haystaa inaynan bixin canshuur dhan 2.2 bilyan oo shilin.
Warqadda lagu soo xiraya ayaa la soo saaray ka dib markii ay ku guul dareysteen inay iska xaadiriyaan maxkamadda qaabilsan arrimaha musuqmaasuqa si ay uga jawaabaan ilaa 8 dacwadood.
Canshuurta ayaa laga doonayay inay bixiyaan intii u dhexeysay sanadihii 2014-2016-dii
Hasa ahaate ilaa iyo hadda ma cadda sida ay labada qof ee la raadinaya ugu suurtagashay inay maqaaxida ka tagaan.