William Ruto oo maanta socdaal ku tagaya Kisii

0
292

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa lagu wadaa inuu maanta gaaro ismaamulka Kisii.
Waxaa uu ugu horreyn kulan ku qaban doonaa degamada Tambacha ee deegaan baarlamaneedka koonfurta Kitutu Chache.
William Ruto oo ka mid ah musharraxiinta madaxweynenimo ee sanadka 2022-ka ayaa maanta la kulmaya wadeyaasha mootooyinka iyo kooxaha dumarka .
Waxaa uu sidoo kale kulan noocani ah garoonka Nyanturago ee deegaanka Nyaribari Chache kula yeelan doonaa haweenka ka ganacsado khudaarta.
Qorshaha siyaasadeed ee William Ruto ayaa ku saleysan in kobcinta dhaqaalaha wadanka laga soo billaabo meel hoose iyadoo la taageerayo dhallinyarada shaqo la’aanta ah, danyarta iyo ganacsatada yaryar.