DHAGEYSO:Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo shir xaalada dalka looga hadlayo Muqdisho ka furay

0
342

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir looga hadlayo xaaladda kala guurka ah ee dalku marayo iyo doorashooyinka Soomaaliya ka socda.
Shirkan waxaa ka qeyb galaya wakiilo ka kala socda Bulshada Rayidka, Maamul Goboleedyada,dowlada dhexe iyo Hay’adaha QM.
Ra’isulwasaaraha ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in doorashooyinku noqdaan kuwo lagu Kalsoonaan karo oo hormar horseeda isagoo tilmaamay inay jiraan tabashooyin ay qabaan bulshada rayidka,saamilayda siyaasada iyo beesha caalamka kuwaasoo sida ugu haboon wax looga qaban doono.

Sidoo kale Ra’isulwasaraha Soomaaliya ayaa sheegay inuu soo saaray qodobo lagu hagayo hanaanka doorashada golaha shacabka wuxuuna tilmaamay inuu dhawaan ku dhawaaqi doono gudi bulshada rayidka ka socda oo kor joogtaynaya geedi socodka doorashada.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa ugu danbayntii sheegay muhiiamda ay leedahay ina xiligaan la diyaariyo qorshaha kala guurka ee dalka iyo talaabooyinka ay qaadeen.

Dhanka kale Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay Go’aanka ay gudiga doorashooyinka Soomaaliya ku baabi’yeen qaar ka mid ah natiijada kuraastii la dhaliilay waxaana uu ra’isulwasaaruhu soo saaray habraac cusub ee doorashooyinka loo maraya golaha sahcabka kuwaasoo la doonayo in lagu xaliyo khilafaadka iyo eedaymaya doorashooyinka la xiriira.
Warsaxaafadeedka ka soo baxay xafiiska ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa ku soo aadaya warkale oo ka soo baxay gudiga doorashooyinka Soomaaliya oo lagu baabi’iyey kuraasta tirsigoodu yahay 103 iyo 154 oo ay ku soo kala baxeen wasiirka howlaha guud ee koonfur galbeed iyo xildhibaanad Sareedo Maxamed Cabdalla.