Dowlada dhexe ayaa mudo 90 cisho ah waxay siisay howl-wadeenada mootooyinka ka howlgala gudaha dalka si ay u hubiyaan inay mudadaasi si buuxda iskaga diiwaangaliyaan maamulka qaran ee gaadiidbka iyo badqabka wadooyina ee NTSA ayagoo la siinayo shatiga wadista gaadiidka ay ka howgalayaan.
Xoghayaha joogtadada ah ee wasaarada arimaha gudaha dalka Dr Karanjo Kibicho ayaa maanta sheegay inay dowlada oo kaashanaysa maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka wadooyinka NTSA iyo waaxda adeega dhalinyarada NYS ay shaqada diiwaangalinta wadeyaasha mootooyinka fulinayaan si loo siiyo shatiga wadida gaadiidka iyo waxyaabaha kale ee muhiimka u ah badqabka gaadiidka.
Isagoo ka hadlayay kulan dood cilmiyeed ah oo ka dhacay magaalada Nairobi uuna soo qaban qaabiyay gudiga qaran ee isdhexgalka iyo midaynta shadcabka NCIC oo kaashanaya ururka badbaadada Booda Booda-da Kenya ee PS ayuu sheegay in mudadaas sadexda bilood ah ka dib ay dowladu bilaabi doonto howlgalo lagu baacsanayo kuwa aan amarkaan u hogaamsamin.
Mr. Kibicho ayaa intaasi ku daray inay dalka haatan ka diiwaangashan yihiin in ka badan 2,5 Milyan oo Mootooyin ah kuwaasoo 1.4 ka mid ah ay u shaqeeyaan qaabka Boda Boda.
kulankaan maanta dhacay wakiilo ka socda 1.2 Milyan oo ka mid ah wadeyaasha Booda Booda-da ayaa saxiixay xeerka xubnimada ee gudiga NCIC si loo hubiyo in doorashada guud ee Sanadka 2022-ka ay noqoto mid nabdoon sidoo kalena laga hortagayo hurinta rabshadaha ,isu soo baxyada siyaasadeed ka hor iyo inta doorashada guud lagu guda jiro sanadka danbe.
Gudoomiyaha gudiga qaran ee isdhexgalka iyo midaynta shacabka NCIC Samuel Kobia ayaa dhankiisa ku booriyay wadeyaasha Mootooyinka inay ku gacan sayraan siyaasiinta u adeegsanaya kicinta rabshadaha,isagoo ugu baaqay wadeyaasha mootooyinka iyo guud ahaan Kenyanka kaleba inay iska diidaan in loo isticmaalo sida Guryo Kiro ah ayna diidaan dalabyo uu sheegay inay yihiin kuwo micno daro ah oo ka imaanaya siyaasiinta iyo xulufooyinkooda ayadoo danta laga leeyahay ay tahay in loo isticmaalo xoojinta fariimaha nacaybka iyo fulinta rabshado dhibaatooyin horseedi kara.