DHAGEYSO:Nakuru:Dad u dhintay khamri ay cabeen

0
354

Wararka naga soo gaaraya deegaanka hoose Njoro ee ismaamulka Nakuru ayaa sheegaya in ugu yaraan 8 qof ay dhinteen ka dib markii ay cabeen daroogada nooca Khamriga ee sharci darrada ah.
Dadka ayaa ka hor inta aysan dhimanin dareemeen daciifnimo, islamarkaana ay aragooda waayeen.
Laamaha ammaanka ee dowlad deegaanka Nakuru ayaa haatan wado baaritanno ku aadan dhacdadan sababtay geerida 8 qof.
Mid ka mid ehellada dadkii ku nafwaayay cabidda Khamriga ayaa la hadashay warbaahinta.

Sidoo kale mid ka mid ah mas’uuliyiinta goobta dhacdadan laga soo tabiyay ayaa dowladda ugu baaqay in arrinkan wax ka qabato, islamarkaana laga hortaggo Khamriga sharci darrada ah