Booliska Isiolo oo xiray 12 qof oo ka ganacsanayay daroogada

0
256

Ciidamada ammaanka ee ismaamulka Isiolo ayaa gacanta ku dhigay 12 eedeysanayaal ah oo lala xiriirinayo ka ganacsiga maandooriyaha.
Saraakiisha booliska ayaa sidoo kale burburiyay in ka badan 1,000 liitar oo khamri sharci darro ah.
Howlgalka lagu soo qabtay tuhmanayaasha oo qaatay sagaal saacadood ayaa laga sameeyay gudaha magaalada Isiolo iyo duleedkeeda.
Daroogada ay burburiyeen booliska ayaa qiimaheedu lagu sheegay 332, 550 oo shilin.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka la qabtay qaarkood ay maandooriye isticmaalayeen.
Waxaa howlgalka si wadajir ah u fuliyay booliska iyo saraakiisha maamulka ee dowladda dhexe.
Guddoomiye ku xigeenka dowladda dhexe u qaabilsan bartamaha ismaamulka Isiolo Mark Mdinyo ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada looga gol-leeyahay in lagu cirib tiro daroogada saameynta ku yeelatay dhallinyarada dowlad deegaankaasi.
Waxaa uu xusay inay ka go’an tahay baabi’inta ganacsigan iyo la dagaalanka badeeco kasta oo kontarabaan ah.
Mr. Mark ayaa shacabka Isiolo ka codsaday inay laamaha ammaanka ku soo wargeliyaan goobaha lagu sameeyo sidoo kalena si sharci darro ah looga ganacsado daroogada.
Tani ayaa imaanaysa labo bilood un ka dib markii saraakiisha ammaanka ay ku burburiyeen khamri qiimihiisu lagu sheegay 180, 000 oo shilin oo lagu qabtay suuqa Nang’atule ee magaalada Isiolo.
Waxaa uu qorshuhu yaahy in berri maxkamadda la soo taago 12 eedeysanayaal si dacwad loogu soo oogo.