Dowladda dhexe ayaa billowday inay dib u eegis ku sameyso horumarka ilaa iyo hadda laga gaaray ajeendayaashii maamulka talada haya ee Jubilee uu codbixiyayaasha u ballanqaaday xilligii loo dhiibayay hoggaanka wadanka.
Qorshayaasha ugu waawayn ee Jubilee ayaa afar ah waxayna kala yihiin adeeg guud oo caafimaad, sare u qaadidda wax soo saarka , guriyeynta iyo la tacaalidda cunno yarida.
Waxaa dib u eegistan iska kaashanaya dowladda dhexe ee Kenya iyo iskaashiga cusub ee horumarinta qaaradda Afrika ee loo yaqaano (NEPAD).
Ujeeddada laga leeyahay barnaamijkan ayaa ah in la ogaado caqabadaha ku hor gudban dhaqangelinta qorshayaasha horumarineed si loo xalliyo.
NEPAD ayaa sheegtay inay dadaal gelin doonto sidii ay Kenya ugu guulaysan lahayd hiigsigeeda dhanka dhaqaalaha iyo wanaajinta nolosha bulshada.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in qiimeynta oo socon doonto ilaa 19-ka bishan Diseembar laga sameyn doono guud ahaan 47-da ismaamul ee uu wadanku ka kooban yahay si loo soo bandhigo warbixin faahfaahsan.
Xoghayaha maamulka sare ee wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta Eric Wafukho oo warbaahinta kula hadlay magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru ayaa sheegay in dib u eegista ay si madax bannaan u sameyn doonaan koox matalaysa wadamada xubnaha ka ah midowga Afrika.
Wafukho ayaa hoosta ka xarriiqay in qiimeynta ka dib xal loo raadin doono arrimaha musuqmaasuqa, shaqo la’aanta dhallinyarada, maareynta kala duwanaanshaha iyo sinnaan la’aanta jinsiyadeed.
Mr. Eric ayaa tilmaamay in muddada dib u eegista ay socoto, shacabka ay fursad u helayaan inay afkaartooda la wadagaan xoghaynta eegaysa waxyaabaha dowladda u qabsoomay ee dhanka horumarka ah.
Madaxa fulinta ee iskaashiga cusub ee horumarinta Afrika ee NEPAD Dr. Samori Okwiya ayaa sheegay in dowladda dhexe ay si dhow ula shaqeynayso ismaamullada, hay’adaheeda kala duwan, ururrrada rayidka iyo waaxyaha aan dowliga ahayn si loogu guulaysto habsami u socodka qiimeynta.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo muddo xileedka madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ay ka hartay wax ka yar hal sano.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa marar badan horay ugu andacooday in heshiskii madaxweyne Uhuru iyo hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ee sanadkii 2018-kii iyo geeddisocodkii sharci beddelka ee BBI ay carqaladeeyeen dardargelinta qorshayaashii horumarineed ee maamulka Jubilee.