Waaxda qaran ee booliska oo beenisay in Mutyambai uu faragelinayo baaritaanada shil uu wiilkiisa sababay

0
313

Waaxda qaran ee adeegga booliska ee (NPS) ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay warbixino sheegaya in taliyaha guud ee ciidamada ammaanka Mr. Hillary Mutyambai uu soo farageliyay baaritaanada shil dhacay oo lagu eedeyay wiil uu dhalay.
Shilka oo khamiistii laga soo tabiyay waddada southern bypass ee magaalada Nairobi ayaa waxaa ku dhintay labo qof.
Taliyaha ciidamada taraafikada ee ismaamulka Nairobi Joshua Omukata ayaa sheegay in baaritaanada si madax bannaan loo fulinayo.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in David Mwendwa uu xakameyn waayay baabuurka taasoo keentay inuu waddada ka baxo ka dibna ku dhacay qof jidka marayay.
Qofkaasi ayaa waxaa soo gaaray dhaawac culus waxaa uuna sidoo kale baabuurka jiiray labo ka mid ah wadayaasha mootooyinka oo isla goobta ku geeriyooday.
Mr. Joshua ayaa xusay in dhacdadan siyaabo kala duwan looga hadlay iyadoo shacabka ay ciidamada ammaanka ku tuhmayaan inaysan xaqiiqda soo bandhigin.
Wiilka uu dhalay taliyaha guud ee ciidanka booliska dalka Mr.Hillary Mutyambai oo lagu magacaabo David Mwendwa ayay u badan tahay in lagu soo oogo laba dacwadood oo la xiriira shilka dhaliyay khasaaraha nafeed.
Waxaa Mwendwa lagu eedeeyay inuu sakhraansanaa markii uu shilku dhacay.
Mwendwa ayaa la sheegay in uu ka baxsaday goobta shilka isaga iyo labo dumar ah oo rakaab ah oo saarnaa gaarigii uu watay oo ahaa nooca raaxada ee Toyota Hilux.
Taliyaha taraafikada ee caasimadda dalka Joshua Omukata waxaa uu sheegay in baaritaano la sameyn doono iyadoo aan la tixgalineyn cidda dhashay eedeysanaha.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Mwendwa uu fiidnimadii Jimcaha si iskiis u taagay saldhigga booliska ee deegaanka Lang’ata ee magaalada Nairobi, maalin ka dib markii uu shilku dhacay.
Mr.Omukata ayaa xusay in eedeysanaha baaritaan caafimaad lagu sameyn doono si loo ogaado in uu sakhraansanaa markii uu shilka dhacayay iyo in kale.