Tiro dhan 11 kun oo ka qayb galaysa xuska Jamhuri Day

0
384

Dowladda dhexe ee dalka ayaa ku dhawaaqday in 11,000 oo qof kaliya loo oggolaan doono inay ka qayb galaan xuska loogu dabbaal degayo maalinka qaran ee Jamhuri Day ee sanadkan.
Xuska maalinkan ee sanadkan ayaa lagu qaban doonaa beerta xuriyadda ee Uhuru Gardens ee magaala madaxda dalka ee Nairobi.
Bayaan uu soo saaray xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Karanja Kibicho ayuu ku sheegay in 10,000 ka mid ah dadkan ay fadhiisan doonaan goobaha dadweynaha ee beerta xuriyadda halka 1,000 qof oo u badan mas’uuliyiinta dowladda ay fadhisan doonaan qaybaha kale ee muhiimka ah.
Mas’uulkan ayaa xusay in go’aankan lagu saleeyay ka hor tagga faafidda cudurka COVID-19, inkasto tirada xuskan ka qayb galeyso ay 3 jibaar dheer tahay dadweynihii soo xaadiray xuska maalinkii halyeeyada ee Mashujaa Day kaas oo lagu qabtay ismaamulka Kirinyaga.
Kibicho ayaa sheegay in si weyn loo ilaalin doono amarrada dowladda iyo talooyinka caafimaad ee lagula tacaalaya cudurka sida kala fogaanta.
Waxaa uu sidoo kale xusay in dabaal degga maalinkaas lagu xusi doono dhammaan dowlad deegaannada kale ee dalka.
Dr. Kibicho ayaa intaasi ku daray in la xaqijiin doono in dabbal degga maalinka Jamhuri Day ay kasoo qayb galaan dad matalaya dhammaan qowmiyadaha kala duwan ee wadanka ku nool.
Waxaa uu dhanka kale sheegay in guddiga qaban qaabada xuska maalinkan ay ku jiraan u diyaar garowgi ugu dambeeyay.
Dabbaal deggan ayaa sanad kasta dalka ka dhaco taariikhda marka ay ku beegan tahay 12-ka bisha 12-aad ee Diseembar.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa in maalinkaas Kenyaanka ku hoggaamiyo xuska 58-aad ee Jamhuri Day.
Munaasabaddan qaran ayaa lagu maamuusaa 12-kii Diseembar ee sannadkii 1963-dii xilligaasi oo Kenya ay fursad u heshay maamul gudaha ah ka dib sanado badan oo Ingiriiska uu guumeysanayay.