Madaxa EACC oo sheegay in musuqmaasuqa uu ka jiro dhammaan ismaamullada wadanka

0
332

Madaxa fulinta ee guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC Twalib Mbarak ayaa sheegay in falalka wax isdaba marinta ay ka jiraan dhammaan 47-da ismaamul ee ay Kenya ka kooban tahay.
Mr. Mbarak ayaa hoosta ka xarriiqay in barasaabyada dowlad deegaanada ay hormuud ka yihiin musuqa oo ayna si wayn ugu lug leeyihiin faragelinta marqaatida si aan loo ogaan khaladaadkooda.
Madaxa guddiga EACC ayaa sheegay inay baaritaano ku aaddan lunsashada kheyraadka dadweynaha ka wadaan ismaamullada oo dhan.
Waxaa uu intaasi ku daray inay dacwad ku soo oogeen 9 ka mid ah barasaabyada.
Twalib Mbarak ayaa wareysi uu siiyay telefishinka Citizen ku sheegay in kiisaska badankoodu meesha laga saaro kadib marka caddeyn dhameystiran loo waayo.
Waxaa uu tilmaamay inaynan arrin fudud ahayn in dacwad lagu soo oogo shakhsiyaadkan maadaama sida uu qabo dastuurka dalka aan la qasbi Karin marqaatida.
Dhanka kale guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa diiday magacaabidda barasaab ku xigeenka Nairobi Paul Mwangi Mutunga.
Madaxa fulinta ee guddigan Twalib Mbarak ayaa warqad uu u qoray barasaabka Nairobi Anne Kananu iyo guddoomiyaha golaha hoose ee caasimadda dalka Benson Mutura ugu sheegay in wakiillada Nairobi ay ansaxiyeen magacaabidda Mutunga iyagoo aan EACC ka xaqiijin inuu xilkan u qalmo iyo in kale.