Qorshaha la dagaalanka cudurka AIDS-ka ee Nairobi oo la daahfuray

0
302

Agaasimaha guud ee maamulka ay dowladda dhexe u xilsaartay bixinta qaar ka mid ah adeegyada bulshada ee ismaamulka Nairobi ee NMS Maxamad Cabdalla Badi ayaa soo bandhigay qorshaha ka dhanka ah cudurka AIDS-ka.
Waxaa lagu wadaa in qorshahan la dhaqangeliyo si hoos loogu dhigo xaaladaha cudurkan ee laga diiwaangeliyo magaala madaxda wadanka.
Tani ayaa ku soo beegmaysa iyadoo 1-dii bishan caalamka laga xusay maalinka adduunka ee AIDS-ka.
Warbixin la soo saaray ayaa tilmaamaysa in Nairobi laga diiwaangeliyay kiisaska ugu badan cudurkan ee guud ahaan dalka.
Boqolkiiba 40 ee xaaladaha cusub ee fayraska HIV-da waxaa uu saameeya dhallinyarada ay da’doodu u dhexeyso 15 ilaa 24 sano.
Culeysyada ugu badan waxaa wajahaya gabdhaha qaangaarka ah iyo haweenka ay da’doodu dhexdhexaadka tahay.
Sanadkii 2020-kii , ismaamulka Nairobi ayaa diiwaangeliyay in boqolkiiba 6.8 ee haweenka ay da’doodu u dhexeyso 15 ilaa 59 sano uu saameeyay cudurka marka loo barbardhigo ragga oo lagu sheegay boqolkiiba 3.3.
Sidoo kale hooyooyinka qabo xanuunka AIDS-ka ee u gudbiyay carruurtooda ayaa ah boqolkiiba 10.1.
Maamulka NMS ayaa sheegay in 167,446 qof oo ku nool dowlad deegaanka Nairobi ay la nool yihiin cudurka AIDS-ka.