Xoghayaha guud ee daladda ay ku mideysan yihiin ururrada shaqaalaha ee COTU Francis Atwoli ayaa sheegay in 31-da bishan Diseembar uu ku dhawaaqi doono musharraxa xilka madaxweynenimo ee qowmiyadiisa ka soo jeeda kaasoo uu ku taageeri doono loolanka siyaasadeed ee sanadka 2022-ka.
Xilligaasi ayaa lagu wadaa in hoggaamiyaasha iyo waxgaradka qowmiyadda AbaLuhya ay kulan ku yeeshaan fagaaraha Bukhungu ee ismaamulka Kakamega.
Waxay ka arrinsan doonaan mustaqbalkooda siyaasadeed iyagoo si toos ah u shaacin doono musharraxa ay soo dhisayaan.
Waxaa hadda xilka madaxtinimo u hanqal taagaya madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi , Moses Wetangula oo hoggaamiyo Ford-Kenya iyo Mukhisa Kituyi oo dhamaan ka soo jeeda gobolka galbeedka Kenya.
Atwoli ayaa marar badan ku baaqay in siyaasiyiintan laga doonayo inay midoobaan si midkood uu u hanto hoggaanka ugu sarreeya dalka.
Home Wararka Kenya Francis Atwoli oo dhammaadka bishan shaacinaya musharraxa madaxweyne ee galbeedka dalka