Dowladda Kenya oo 25 bilyan u qoondeysay la tacaalidda saameynta abaarta

0
311

Madaxweynaha dalkani Kenya Mr. Uhuru Kenyatta ayaa xaqiijiyay in maamulka Jubilee ay ka go’an tahay wax ka qabashada abaarta saameysay qaybo ka mid ah wadanka.
Xilli uu shalay khudbad qaran ka hor jeediyay baarlamaanka ayuu Mr. Kenyatta sheegay in ugu yaraan 25 bilyan oo shilin loogu talagalay badbaadinta kenyaanka dhibaatooyinka u nugul.
In kastoo uu madaxweynaha horay ugu dhawaaqay in abaartu ay tahay musiibo qaran haddana waxaa uu mar kale carrabka ku adkeeyay in lagu dadaalayo in qof uunan u dhiman saameynteeda.
Mr. Kenyatta ayaa tilmaamay in maamulka Jubilee uu daahfuray qorsho ballaaran oo lagu xoojinaya adkeysiga dadka nugul ee bulshada ka midka ah.
Waxaa uu qiray in maareynta abaarta ay horay caqabad ugu ahayd maamulladii dalka soo maray sidaas awgeedna ay xoogga saarayaan in la helo kheyraad dheeraad ah oo loo adeegsan karo falcelinta ka dhanka ah musiibadan.
Madaxweynaha ayaa xusay in labadii kiilogaraam ee galley ah in hadda lagu iibsanaya 95 ilaa 105 shilin iyadoo dhanka kale 2.1 milyan oo qof oo ku nool deegaanada oomanaha ee loo yaqaano ASAL ay gargaar u baahan yihiin.