Midowga Musharraxiinta ayaa war saxaafadeed ka soo saaray shirar maalmihii la soo dhaafay u socday oo looga hadlayay geeddi-socodka doorashooyinka ayaa caddeeyay in waxa socda aan lagu tilmaami karin doorasho oo ay tahay boob qaawan oo dalka u horseedi karta qalalaase siyaasadeed, xasillooni darro iyo Nabadgelyo la’aan.
Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in aan lagu fiirsan karin sida ay wax u socdaan, isla markaana aysan raali ka noqon karin, aqbaleyn iyo qaybna ka noqoneyn boobka.
Waxaa ay sidoo kale caddeeyeen in mas’uuliyadda ka dhasha boobka doorashada ay qaadi doonaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.
Dhanka kale waxay dalbadeen in la hakiyo doorashada, iyagoo ku ciladeeyey inaynan u socon habkii loogu talagalay.
War-saxaafadeedka midowga musharaxiinta ayaa sidaan u qornaa:
Golaha Midowga Murashaxiinta kulan uga furmay magaalada Muqdisho intii u dhexaysay 25-30/11/2021 ayaa diiradda lagu saaray xaaladda
siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan geeddi-socodka doorashooyinkii la filayey in ay dalka ka qabsoomaan.
Golaha markii ay u caddaatay
1- In laga tegey odayaashii dhaqanka ee xaqa u lahaa in ay soo xulaan
ergooyinka dooranaya xildhibaanada.
2- In aysan jirin ergo la xulay, la diiwaan geliyey, la tababaray, guddiga doorashooyinka ee heer Federaalna (FIET) ay hubiyeen.
3- In ergooyin laga dhigay shaqaalihii rayidka ahaa, ciidanka dawladda iyo dad aan mararka qaar ku hayb ahayn qabaa’ilka kursiga lahaa.
4-In loo diiday diiwaan gelinta tartanka kursiga xildhibaanno kuraasta
hore ugu fadhiyey, iyo kuwo kale oo xaqu lahaa, halka la diiwaan geliyey xubno aan soo buuxinin shuruudihii diiwaan gelinta.
5-In ay luntay madaxbannaanidii, iyo dhexdhexaadnimadii guddiyada
doorashada heer dawlad goboleed, kuwaasoo toos uga amar qaadanaya Madaxweynaha dawlad-goboleedka, halka guddiga doorashada ee heer federaal ka amar qaataan madaxda federaalka.
6- In guddiyada labada heer aysan kala amar qaadanaynin, Guddiga
Xallinta Khilaafaadka uu gabay hawshii loo xilsaaray, isagoo diiday qabashada cabashooyinka, kuwii loo gudbiyeyna aanan u cadaalad falin.
7- In aysan jirin korjoogtayn iyo tebin toos ah ee warbaahineed si loo hubiyo in si daahfuran u dhaco tartanku. Haddaba, haddii ay meesha ka baxeen dhammaan shuruudihii hufnaanta
iyo daahfurnaanta doorashada, waxay doorashadi la sugayey isku bedeshay boob qaawan oo dalka u horseedi kara khilaaf siyaasadeed,
xasillooni darri, iyo burbur ku yimaada dawladnimada.
Home Wararka Soomaaliya Midowga musharraxiinta Soomaaliya oo dalbaday in la hakiyo doorashooyinka socdo