Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mutahi Kagwe ayaa qabanqaabiyay kulan xasaasi ah oo diiradda lagu saarayo tallaabooyin lagu xakameynayo faafitaanka cudurka COVID-19 ee xilliga fasaxa ciidda masiixiga.
Kulanka ayaa lagu wadaa inay maanta yeeshaan xubnaha guddiga qaran ee qaabilsan ka falcelinta xaaladaha degdegga ah ee (NERC).
Mr. Kagwe ayaa ka gaabsaday inuu shaaciyo in kulanka uu ka dhigan yahay in la soo saari doono tallaabooyin cusub oo lagu xakameynayo cudurka gaar ahaan maalmaha fasaxa ciidda Kirismaaska ee dabayaaqada bisha 12-aad ee sanadkan.
Guddiga qaran ee qaabilsan ka falcelinta xaaladaha degdegga ah ee (NERC) ayaa la aasaasay bishii Labaad ee sanadkii hore si ay dhaqangeliyaan tallaabooyinka ka dhanka cudurka COVID19 ee ay dowladdu soo saarto.
Waxaa guddigaan guddoomiye u ah wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mutahi Kagwe.
Shirka maanta ayaa ku soo aadaya iyadoo laba cisho ka hor ay xoghayaha joogtada ee wasaaradda caafimaadka dalka Susan Mochache sheegtay inuusan jirin qorsho lagu mamnuucayo inay dalka yimaadaan dadka ka soo jeedo dalalka lagu arkay faraca cusub ee cudurka COVID19 ee loo yaqaano Omicron Variant.
Mrs. Mochache ayaa sheegtay in dowladdu ay xoojisay ilaalinta goobaha laga soo galo dalka, dhammaan dadkana la baari doono, lana xaqiijin doono inay wataan caddeymo muujinaya in la tallaalay.
Waxaa ay dadweynaha ku boorrisay inay u hoggaansamaan tallaabooyinka ka dhanka ah COVID-19.