Madaxweynaha oo maanta khudbad qaran jeedin doono

0
326

Madaxweynaha dalka Mr.Uhuru Kenyatta ayaa galinka dambe ee maanta xarunta baarlamaanka ka jeedin doono khudbad qaran.
Khudbaddan ayuu si wadajir ah ugula hadli doonaa xildhibaanada baarlamaanka iyo senatarrada aqalka sare.
Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Mr. Justin Muturi ayaa sheegay in khudbadda uu Mr. Kenyatta ku faahfaahinayo waxqabadkiisa iyo qorshihiisa ku aaddan sanadka 2022-ka ay billaaban doonto abaare 2:30 -ka galabnimo ee maanta.
Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu khudbadiisa ku soo qaato sida maamulkiisa uu ula tacaalay cudurka COVID-19 , saameynta ka dhalatay iyo ka falcelinta abaarta ku dhufatay 23 ka mid ah ismaamullada wadanka.
Arrimaha kale ee ay u badan tahay in madaxweynaha uu ku soo qaato khudbadiisa waxaa ka mid ah siyaasadda, u diyaar garowga doorashada guud iyo waxbarashada .
Maadaama uu weli gudaha dalka ka jiro caabuqa corona , waxaa kal-fadhiga maanta ee baarlamaanka ka qayb geli doono 114 xubnood oo ka tirsan baarlamaanka iyo aqalka sare.
Waxay isugu jiraan 88 mudanayaal ah iyo 26 senatarro ah.
Xildhibaanada dalka ayaa waxaa 2-da bisha Diseembar ee sanadkan u billaaban doono fasax.