Waxaa lagu soo warramayaa in kalfadhi gaar ah oo saddex cisho soconayo uu u furmay golaha caafimaadka adduunka ee (WHA).
Waxaa ay kawada hadlayaan u diyaar garowga iyo ka falcelinta faraca cusub ee cudurka COVID19 ee loo yaqaano Omicron Variant.
Golaha WHA ayaa caadiyan kulmi jiray sanad waliba bisha Shanaad, balse ka fadhigaan gaarka ah ayaa diiradda lagu saaraya go’aanka ay ka qaadanayaan waddamada xubnaha ka ah golahan ee faraha cusub ee Covid19.
Wakiillada 194-ta waddan ee xubnaha ka ah hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa yeelan doono wadahadallo ku saabsan xeerar cusub oo caalami ah oo wax looga qabanayo cudurrada faafa ee mustaqbalka.
WHO ayaa dhanka kale ka digtay waddamada sida degdega ah ugu soo rogaya xannibaadaha safarka ee dhanka ah faraca Omicron Variant.
Faraca Omicron ayaa markii ugu horreysay lagu arkay dalka Koonfur Afrika.