Dowladda dhexe ayaa sheegtay in dhaqaale dhan 3.4 bilyan oo shilin u adeegsan doonto tababarida barayaasha ee manhajka cusub ee waxbarashada ee loo yaqaano CBC guud ahaan dalka.
Madaxa fulinta ee guddiga adeegga macallimiinta ee TSC Dr. Nancy Macharia ayaa sheegtay in 229,292 barayaal ah oo wax ka dhiga dugsiyada hoose dhexe ee dowliga ah iyo kuwa sida gaarka loo leeyahay ee fasallada koowaad ilaa shanaad iyo sidoo kale 1,166 macallimiin oo ka kala socda kulliyado kala duwan loo tababarayo manhajka CBC.
Ms. Macharia ayaa xaqiijisay in dowladda ay si wanaagsan u dhisayso tayada macalimiinta dugsiyada sare ka hor inta aan la bilaabin heerka koowaad ee dugsiyadaasi.
Waxaa ay sheegtay in TSC ay kala shaqaynayso golaha imtixaanada qaran ee KNEC iyo machadyada kale ee tababarka si loo horumariyo tayada macallimiinta ee dugsiyda.
Tan iyo markii manhajka cusub ee CBC laga dhaqangeliyay gudaha dalka waxaa adeegsaday in ka badan 8.1 milyan oo arday ah.
Hannaanka cusub ee waxbarashada ee 2-6-3-3 ayaa la daahfuray sanadkii 2017-kii si loogu beddelo manjahkii hore ee 8-4-4.
Ujeeddada laga leeyahay nidaamkan ayaa ah in ardayda laga soo dhiso dhanka xirfadaha.
Home Wararka Kenya Dowladda oo dhaqaale dhan 3.4 bilyan u adeegsaneyso tababarida macallimiinta ee manhajka...