Haweeney da’a ah oo loo xiray ka ganacsiga daroogada xashiiska iyo khamriga

0
316

Saraakiisha booliiska ee ismaamulka Makueni ayaa xabsiga u taxaabay haweeney 74 sano jir ah, ka dib markii lagu qabtay iyada oo sidda 38 xirmo oo nooca daroogada ee loo yaqaano xashiishka.
Waxaaa sidoo kale haweeneyda lagu qabtay 15 litir oo khamri ah.
Haweeneyda da’da ah ayaa saaka laga soo qabtay tuulada Darajani ee ku taalla xaafadda Kathekani ee dowlad deegaanka Makueni.
Waxaa xariggeeda xaqiijiyay guddoomiye ku xigeenka xaafadda haweeneydan laga soo qabtay Meshack Musyoka.
Waxaa uu intaa ku daray in baaritaanno arrin ku aadan ay haatan socdaan.