Rw Rooble iyo midowga musharraxiinta oo kulan u socdo

0
298

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble iyo Midowga Musharaxiinta ayaa haatan wuxuu kulan gaar ah uga socdaa Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Kulanka u dhexeeya xubnaha midowga Musharraxiiinta iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa wuxuu hadda ka socdaa xafiiska Ra’isul wasaare Rooble ee magaalada Muqdisho.
Kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta ayaa looga hadlayaa arrimaha doorashooyinka dalka gaar ahaan qaabka ay ku socoto doorashada Golaha Shacabka oo ka bilaabatay magaalada caasimadda ee Muqdisho iyo maamullada Koonfur Galbeed iyo Galmudug.
Warar lagu kalsoonaan karo oo kulankaas laga helayo ayaa sheegaya in Midowga Musharraxiinta ay ra’iisul wasaaraha u caddeyn doonaan Mowqifkooda ku aadan doorashada oo ay horay u sheegeen in wax socda aysan ahayn doorasho, balse ay tahay boob islamarkaana ay qaadici doonaan natiijooyinkooda.
Musharraxiinta ayaa shaaciyay in aysan aqbali doonin doorashooyinka deegaannada qaar ee lagu bilaabay waxay ay ugu yeereen boob qaawan oo la isu awood sheegtay, laguna tuntay habraacyadii doorashada, taasoo halis gelineysa xasiloonida dalka iyo jiritaanka dowladnimada sida ay ku sheegeen bayaan ay soo saareen midowga musharaxiinta Soomaaliya.