DHAGEYSO:Rw Rooble “Cidwalba waxaa lagula xisaabtami doonaa mas’uuliyadda loo xilsaaray ee ku aadan hirgalinta doorashooyinka”

0
285

Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya ee xukuumadda xilgaarsiinta Maxamad Xuseen Rooble oo kulan la yeeshay Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Guddoonka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa arrimaha doorashada kala hadlay.
Kulanka waxaa la iskula soo qaaday xal u helista cabashooyinka la xiriira doorashada Golaha Shacabka, isagoo ku boorriyay madaxda maamul goboleedyada iyo guddiyada doorashooyinku inay dhowraan hufnaanta doorashada.
Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay inaan marnaba la aqbali doonin in guddiyada doorashooyinka heer maamul goboleed ay siyaasadda ku milmaan, islamarkaana ay u shaqeeyaan Madaxda maamul goboleedyada.
Waxaa uu xusay in cidwalba lagula xisaabtami doono Mas’uuliyad loo xilsaaray ee ku aadan hirgalinta doorashooyinka qaranka Soomaaliya.

Midowga Musharraxiinta Soomaaliya ayaa horay u sheegay inay gabi ahaanba qaadacayaan doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka oo ay sheegeen inay ku bilaabatay boob ah oo aan la aqbali karin.