Mike Sonko oo laga mamnuucay inuu daabaco hadallo meel ka dhac ku ah barasaabka Nairobi

0
484

Maxkamadda sare ee dalka ayaa ka mamnuucday barasaabkii hore ee Nairobi Mike Sonko inuu daabaco cod ama muuqaal sir ah oo meel ka dhac ku ah guddoomiyaha haatan ee caasimadda dalka Mrs. Ann Kananu.
Waxaa ay maxkamadda ku amartay Mike Sinko inuu joojiyo waxyaabaha uu barahiisa baraha bulshada gaar ahaan Facebook-ga ku soo qarayo, inta laga dhageysanaya kiiska kala dhaxeeya barasaabka ismaamulka Nairobi Mrs. Kananu.
Garsooraha maxkamadda sare Heston Nyaga ayaa shalay ka mamnuucay Sonko iyo haweeney kale oo magaceyda lagu sheegay Thuru Nkatha in ay daabacaan arrin ku saabsan Ann Kananu inta laga dhageysanayo dacwadda laga gudbiyay.
Go’aanka maxkamadda ayaa yimid ka dib markii barasaabka ismaamulka Nairobi Anne Kananu ay dacweysay Sonko iyo Thuru Nkatha.
Dacwadda arrinkan ku aadan ayaa la dhageysan doonaa 3-da bisha 12-aad ee sanadkan.
Mr. Sonko ayaa looga digay haddii uusan u hoggaansamin amarkan uu la kulmi karo tallaabo adag aan la shaacin waxa ay tahay.