Ku dhawaad 30 qof oo lagu xiray Myanmar

0
625

Ciidamada ammaanka ee dalka Myanmar ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen ugu yaraan 27 qof ka dib dibadbaxyo ka dhacay magaalada Mandalay, oo ah tan labaad ee ugu weyn wadankaas.
Waxaa dalkaas ka socdo dibadbaxyo looga soo horjeedo afgembigii militari ee hoggaanka lagula wareegay ee lagu xiray madax dhowr ah.
Wararka ayaa intaa ku daraya in sidoo kale isku dhacyada u dhexeya laamaha ammaanka iyo dibadbaxayaasha ay afar qof ku dhaawacmeen.
Booliska ayaa kala eryay dibadbaxayaasha oo dafiray amar lagu mamnuucay isku imaatinka dadweynaha.
Afarta qof ayaa ku dhaawacmay magaalada Naypyitaw waxaana ka mid ah haweeney.
Mid ka mid ah ayuu dhaawaciisa aad u daran yahay.