DHAGEYSO:Gudoomiyihii hore ee Golaha shacabka Somalia Jawaari oo sheegay in loo diiday in uu tartamo

0
398

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Proff Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in caqabado iyo culeys uu kala kulmay magaalada Baydhabo isagoo ka digey in dowladnimada Soomaaliya ay meel dheer ku sii dhacayso.
Proff Jawaari oo hadlayay xilli uu ka soo ambabaxay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in doorasho hufan oo xalaal ah aysan ka socon Baydhabo balse ay ka jiraan gabood fal lagu takri falayo xuquuqda muwaadinka ee ah inuu wax doorto ama la doorto.