Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo canbaareeyay qarixii Muqdisho ka dhacay

0
249

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Cambaareeyey Qarixii ismiidaaminta ahaa ee saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho wuxuuna ku tilmaamay fal aragagixiso oo lagu bartilmaameedsaday muwaadiniin aan waxba galabsan.
Ra’isulwasaaraha ayaa ku Tilmaamay fal bahalnimo oo caddeyn u ah sida kooxdan qalloocani ugu sii talax tagayaan daadinta dhiigga birimageydada si aan kala sooc lahayn.
Ra’isulwaaraha ayaa naxaristii rabi u rajeeyay dadkii ku dhintay qaraxaas wuxuuna caafimaad u rajeeyay kuwa ku dhaawacmay.
Maamulka Sare Iskuulka Mucaasir ee Magaalada Muqdisho oo kuyaal inta u dhaxeeysa Isgoyska Tarabuunka iyo Madaxtooyadii hore ee Cabduqaasim ayaa dhankooda waxay faah faahin ka bixiyeen khasaaraha kasoo gaaray qarixii ismiidaaminta ahaa ee saaka ka dhacay banaanka Iskuulka.
Maamulaha Guud ee dugsiyada mucaasir Xuseen Cabdi Aamin ayaa warbaahinta gudaha Soomaaliya u sheegay in qaraxa saaka uu burburiyay inta badan fasalada Iskuulka iyo qaar kamid ah Gaadiidka Carruurta Iskuulka dhigata lagu qaadi jiray.
Maamulaha ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhaawacmeen 7 kamid ah Ardayda Iskuulka & mid kamid ah Darawalada, balse aysan jirin wax dhimasho ah oo dhankooda kasoo gaaray qaraxa.
Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa goor sii horreeysay sheegay in qaraxa ay ku dhinteen 8 ruux 17 kalena ay ku dhaawacmeen.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho kusoo batay qaraxyada iyo dilalka qorsheysan, iyadoo lagu guda jiro xilli kala guur ah oo dalku ay doorashooyin jiiitan badan leh oo mudo dhaafay ka socdaan.