Barasaabka ismaamulka Makueni Prof. Kivutha Kibwana ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in la tacaalidda isbeddelka ku yimaado cimillada uu ka billowdo gobollada wadanka oo aan keliya lagu haleyn dowladda dhexe.
Waxaa uu sheegay in ismaamullada ka wada tirsan hal gobol laga doonayo inay iska kaashadaan wax ka qabashada dhibaatooyinka dhanka cimillada si loo yareeyo heerka kuleylka.
Prof. Kibwana ayaa sidoo kale ku taliyay in dadweynaha oo arrimahan la fahansiiyo ay kaalin wayn ka qaadanayso in lagu guulaysto dhaqangelinta qorshayaasha falcelinta ah ee la dejiyay.
Barasaabka ismaamulka Kisii James Ongwae ayaa dhankiisa xusay in xaalufinta dhirta oo lala dagaallamo ay suurtagelin karto xal u helidda caqabadaha dhanka cimillada ee dalka ka jiro.
Waxaa dhanka kale maanta dugsiga sare ee wiilasha ee Makueni ka furmaya shir socon doono ilaa 26-ka bishan oo ah midkii toddobaad ee dowlad wadaajinta.
Kulanka oo sanadlaha ah ayaa waxaa ka qayb gelaya 3,000 oo wufuud ah.
Guddiga qaban qaabada shirka dowlad wadaajinta ee sanadkan ayaa horay u sheegay inay khasab tahay in dhammaan dadka ka qayb galaya ay qaataan dawooyinka tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID19.
Sida laga soo xigtay guddigan , madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta oo kulanka si rasmi ah u furi doono maanta ayaa daahfuri doono barnaamij lagu abuurayo 2 milyan oo geedo ah.
Home Wararka Kenya Guddoomiyaha Makueni oo ku baaqay in isbeddelka cimillada lagula tacaalo heer goboleed