DHAGEYSO:Mid ka mid ah waxgaradka Mandera oo senatarka Kiambu raaligelin ka dalbaday

0
616

Ugaas Cismaan Raqiso oo ka mid ah waxgaradka ismaamulka Mandera ayaa cambaareeyay hadal dhawaan uu jeediyay senatarka dowlad deegaanka Kiambu Kimani Wamatangi kaasoo uu ku sheegay inay fududdahay in xaafadda Islii ee magaalada Nairobi hub looga iibsado lacag kun shilin ah.
Waxaa uu senatarka ka dalbaday inuu hadalkaasi raaligelin ka bixiyo ama uu soo bandhigo caddeyn si aynan uga dhalan falcelin ay dhibaato ka soo gaari karto dadweynaha.

Maalinkii Axadda ayay ahayd markii ay sidoo kale xildhibaanka deegaanka Kamukunji Yuusuf Xasan Cabdi, barasaabka Mombasa Cali Xasan Joho , senatarka Garissa Cabdiqaadir Maxamad Yuusuf iyo wakiilka haweenka ee ismaamulka Wajeer Faadumo Geedi ay si wadajir ah u cambaareeyeen hadalka senatar Wamatangi iyagoo ka dalbaday inuu raaligelin bixiyo haddii kale ay maxkamadda la tiigsan doonaan.
Waxay sheegeen in xaafadda Islii aynan amni darro ka jirin oo hadalka senatarka uu ka turjumaya afkaarta shakhsiyaad aanan jecleysan horumarka dhanka ganacsiga ee xaafadda ay ku tallaabsatay.