Waxaa Maanta lagu wadaa in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu safar degdeg ah ku tago magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar.
Ujeedka Safarka Madaxweynaha Puntland ee Magaalada Qardho ayaa waxaa lagu sheegay in uu halkaasi tababar uu ugu soo xiri doonaa cutubyo ka tirsan Ciidamada Puntland oo bilihii la soo dhaafay uu halkaas tababar uga socday.
Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa la filayaa in uu kulan la qaato Saraakiisha Ciidamada Punland ee Magaalada Qardho, Maamulka Magaalada iyo Odayaasha Dhaqanka.
Maamulka Puntland ayaa sanadihii la soo dhaafay waxaa ay wadeen qorshooyin ay tababar iyo tayeyn ugu sameeynayaan Ciidamadooda, waxaana Madaxweynaha Puntland uu dhowr jeer sheegay in inta uu xilka haayo uu ku dadaali doono dhismaha Ciidamada.
Home Wararka Soomaaliya Muxuu yahay ujeedka safarka degdeg ah uu madaxweynaha Puntland ku tegaya Qardho?