Waxaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay dhimashada afar qof iyo dhaawac dhan labo ka dib shil xalay ka dhacay ismaamulka Narok.
Shilka oo la soo tabiyay abaare 7-dii fiidnimo ee xalay ayaa u dhexeyay afar baabuur ah.
Waxaa uu ka dhacay meel u dhow aagga loo yaqaano Maltauro ee waddada wayn ee xiriirisa Narok iyo Mai Mahiu meel qiyaastii 40 kiilomitir u jirta magaalada Narok.
Goobjooge lagu magacaabo Benson Mutua ayaa laga soo xigtay in shilka uu yimid ka dib markii mid ka mid ah baabuurta xamuulka oo si xowli ah u socday uu darawalkii kaxeynayay xakameyn waayay taasoo keentay inuu gaari kale ku dhaco waxaana ka dhashay dab qabsaday labo baabuur oo kale oo ah kuwa yaryar.
Dhaawaca ayaa lagu daweeynayaa isbitaalka wayn ee dowlad deegaanka Narok waxayna dhakhaatiirtu sheegeen in xaaladda labada qof ee shilka ku dhaawacmay aynan liidan.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii 6 qof ay ku dhinteen shil isla goobtaasi ka dhacay waxayna shacabka waaxda gaadiidka ka codsadeen inay arrintan wax ka qabato.