DCI-da oo soo badbaadisay haweeney la afduubtay, iyadoo gacanta lagu dhigay raggii ka dambeeyay

0
372

Saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ayaa soo badbaadiyay haweeney 35 sano jir ah oo gelinkii hore ee shalay ay koox burcad oo ka kooban saddex ka afduubteen aagga Kabati ee deegaanka Kandara ee ismaamulka Murang’a.
Wararka ayaa intaa ku daraya in burcadda ay haweeneyda haysteen muddo saddex saacadood ah.
Waxaa ay sidoo kale u gaysteen fal kufsi ah.
Tuhmanayaasha ayaa taleefoonka gacanta ee ay wadatay haweeneyda ka qatay iyagoo ka dib wacay ninkeeda oo ay ka dalbanayaan lacag dhan 30,000 shilinka dalka ah.
Saraakiisha waaxda dambi baarista ayaa ku guuleystay inay raggaan ka soo qabtaan meel cidlo ah oo ku taalla aagga Kabati ee deegaanka Kandara.
Sida laga soo xigtay barta Twitter-ka ee waaxda DCI-da , haweeneyda ayaa ka mid ahayd ganacsatada iibiya khudaarta.
Eedeysanayaasha ayay da’adooda u dhexeysa 24 ilaa 27 sano.
Haweeneyda ayaa hadda xaaladeeda caafimaad lagula tacaalaya mid ka mid ah isbitaallada ku yalla dowlad deegaanka Murang’a ee gobolka bartamaha wadanka.
Xafiiska DCI –da ayaa xubnaha bulshada ku boorriyay inay ku soo wargeliyaan fal dambiyeed walbo oo dhaca iyagoo soo wacaya nambarka 0800 722 203 ee loogu tala galay in lagu soo gudbiyo warbixinnada ku saabsan falal dambiyeedyada si tallaabo degdeg ah loo qaado.