Wararka naga soo gaaraya tuulada Kirindara ee ismaamulka Meru ayaa sheegaya in nin 60 jir ah oo beeraley ah ay xaaladdiisa caafimaad liidato, ka dib markii xaaskiisa ay xubinta taranka ka jartay.
Arrintan ayaa sababtay ka dib markii qoyskan uu muran soo kala dhex galay.
Deriska oo dhacdadan ka war helay ayaa dhibbanaha ula cararay isbitaal ku yaalla magaalada Maua xilli xaaladdiisa caafimaad ay aad u liidatay.
Deriska ayaa warbaahinta u sheegay inay arkeen qaybo ka mid ah xubinta taranka ee ninka dhibaatada loo gaystay oo go’aday, islamarkaana uu dhiiga badan ka socday.
“Aad baan uga naxay markaan arkay dhibaatada loo gaystay dhibnaha” ayuu yiri qof ka mid ah deriska
Dadka deegaanka ayaa sheegay in dhibbanaha uu qeylo dhaan ka soo yeertay horraantii sanadkan, ka dib markii xaaskiisa ay ugu hanjabtay inay ka goyneyso xubintiisa taranka.
Guddoomiye ku xigeenka xaafadda dhacdadan laga soo tabiyay Edward Mutalii ayaa sheegay in haweeneyda falka gaystay xabsiga loo taxaabay.
Waxaa uu ku boorriyay bulshada in ay ka digtoonaadaan rabshadaha qoyska ka dhex dhaca.
Waxaa uu dhanka kale xusay in kiisaska ragga ay dhibaatooyinka loo gaysto aan inta badan la soo sheegin.