Maamul goboleedyada Soomaaliya oo loo diray baaq ku aadan doorashada

0
470

Guddiga hirgelinta doorashada ee heer federaal ee dalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay saddex maamul goboleed in ay soo gudbiyaan liiska musharraxiinta ugu horreysa ee doorashada golaha shacabka.
Afhayeenka Guddiga hirgelinta doorashada heer federaal Axmad Aadan Dagaal (Safiina) oo xalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maamullada Hirshabeele, Puntland iyo Jubbaland looga fadhiyo in ay soo gudbiyaan liiska xubnaha ku tartamaya kuraasta baarlamaanka.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa iyagu shalay soo gudbiyay 11-kii kursi ee ugu horreeyay tartanka golaha shacabka, halka ay Galmudug ay hore u so gudbiyeen qaar ka mid ah kuraasta.
Afhayeenka Guddiga hirgelinta doorashada heer federaal Axmad Aadan Dagaal (Safiina) ayaa sheegay in doorashada golaha shacabka lagu soo gabagabeyn doono ilaa 24 bisha Diseembar ee sanadkan.