Golaha hoose ee Nairobi oo isbuuca dambe yeelanaya kulanka ansaxinta barasaab ku xigeenka

0
500

Golaha hoose ee ismaamulka Nairobi ayaa 25-ka bishan oo Khamiis ku beegan u asteeyay kal-fadhi lagu dhageysan doono aragtida shacabka ee ku aaddan in Paul Mutunga Mutungi uu u qalmo xilka barasaab ku xigeenka caasimadda wadanka oo loo soo magacaabay.
Waxaa arrinkan shaaca looga qaaday bayaan uu soo saaray karaaniga golaha hoose ee dowlad deegaanka Nairobi Adah Onyango.
Guddoomiyaha Nairobi Anne Kananu ayaa magacaabidda mas’uulkan ku saleysay inuu aqoon u leeyahay xilka ay doonayso inuu qabto hadii wakiillada golaha hoose ee Nairobi ay ansaxiyaan turxaan bixin ka dib.
Jagada barasaab ku xigeenka caasimadda dalka ayaa banaanaatay maalinkii Talaadada xilligaasi oo Kananu oo xilkaasi haysay si rasmi ah loogu dhaariyay hoggaamiyaha magaala madaxda wadanka.